Madaxweyne Waare Oo La Kulmay Safiirka Qatar

Published: August 2, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la kulmay safiirka Qatar ee Soomaaliya Hasan Bin Hamza Asad Mohammed.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo quseeya Hirshabeelle oo ay kamid tahay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo ay maalgelineyso dowladda Qatar.

Sidoo kale safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa horey ula kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *