Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaaq Mudane…
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaaq Mudane Abdul Latif Rashid.
Soomaaliya iyo Ciraaq oo halgan kula jira kooxaha argagixisada ah ayaa ka wada-hadlay is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalkan.
Waxay sidoo kale ka wadahadleen Iskaashiga amniga & danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab ee walaalaha ah.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda uga hadlay danaha labada dal ee faa’idada u leh shacab labada dowladood, sida iskaashiga dhaqaalaha, isweydaarsiga dhaqanka iyo taageerada dhinacyada sida waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.
Horseed Media