Madaxweyne Xasan & Ra’iisul wasaare Xamse oo ka tacsiyeeyey geerida Khadra Daahir

Published: July 3, 2022
Khadra Daahir Cige oo hargeytsa ku geeriyootey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi  tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday hoboladdii caanka ahayd ee marxuumad Khadra Daahir Cige.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumadda ay kaalin weyn uga jirtay fanka Soomaaliyeed, iyada oo doorweyn ka qaadatay sare u qaadida fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo ay ka aheyd tiirarkiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu Alle u weydiiyey marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in uu murugada la qeybsanayo qoyska asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday fannaanaddii Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige. 

Ra’iisul wasaaraha ayaa Marxuumadda Eebbe uga baryayaa in uu Jannadii Fardows ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *