Shirka golaha Qaramada Midoobey ee loo dhan yahay oo si rasmi ah u furmay

Published: September 21, 2022
Shares42

Shirkii 77aad ee fadhiga loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa Salaasadii shalay xiliga Maraykanka si rasmi ah u furmey. Madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga ah ayaa dib ugu noqdey New York kadib safarkiisi London, waxaana uu ka qaybgalay furitaankii shirka.

Fadhiga loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa lagaga arrinsanayo yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa shirka ku soo bandhigaaya qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasiiloonida iyo nabadda, dagaalka ka dhanka argagixisada, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka degdegga ah iyo dhammaan caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dalalka ka qeyb galaya fadhigan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey shirkan, wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Abshir Cumar Huruuse, wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, wasiiru-dowlaha madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), ergayga Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan iyo agaasimaha madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud.

Horseed Media