Madaxweyne Xasan Sheekh oo golaha Wasiirada amray in la joojiyo shirarka dalka dibaddiisa lagu qabto

Published: January 5, 2023
Shares4

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka golaha Wasiirada oo toboadaadkiiba mar la qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray golaha in la joojiyo shirarka dalka dibaddiisa lagu qabto intii laga maarmi karo isla markaana lagu qabto gudaha dalka, isagoo ku booriyey in Sanadkaan uu yahay sanadkii dib u xorreynta iyo waxqabadka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa golaha Wasiirada faray in la hubiyo Mashaariicda  hormarineed ee dalka laga fuliyo in ay yihiin kuwo waxtar uleh bulshada Soomaaliyeed.

Shirka golaha wasiirada ayaa maanta lagu ansixiyay hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan galinta dadweynaha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, iyo hindise sharciyeedka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Horseed Media