Xasan Sheekh oo ka hadley dagaalka Laascaanood iyo xiisadda siyaasadeed ee Puntland

Published: February 7, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xaaladda colaadeed ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaalka ka socda magaaladaasi isaga oo tacsi u diray ehelada ay dadkoodii ku wax yeeloobay.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda in la tixgaliyo rabitaanka shacabka deegaanka xalkana loo maro hannaan wada-hadal iyo dib u heshiisiineed, isaga oo ugu baaqay in wadahadal iyo isutanaasul lagu xalliyo xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in miiska wada hadalka la’isugu yimaado, diyaarna uu yahay in ka qeyb qaato Xalka Magaalada Laascaanood meel waliba oo lagu qabanayo.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u diray Odayaasha dhaqanka ee Puntland, isaga oo sheegay in lama huraan tahay Nabadda.

Sidoo kale waxa uu xusay kaalinta Odayaasha ay ku leeyihiin Nabadda, isaga oo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba taageereenin dagaal.

Horseed Media