Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer ku tegaya goobaha dowladda ee Garoowe

Published: August 28, 2022
Xasan Sheekh iyo siciid deni Puntland

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga ah Xasan Sheekh Maxamuud oo´maalintii khamiista booqasho ku tegey magaalada Garoowe, ayaa lagu wadaa in uu maanta booqasho ku tago qaybo kamid ah xarumaha dowladda Puntland iyo weliba goobo kale.

Qaybo kamid ah waddooyinka magaalada Garoowe ayaa lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah oo ilaalinaya amniga, halka qaar waddooyinka la xirey.

Tan iyo maalintii hamiista ee la geeyey xarunta Madaxtooyada, ayaa sawirkii u horeeyey madaxweynaha laga soo qaadey habeenkii xalay oo casho sharaf loogu sameeyey halkaas, taas oo ay ka qaybgaleen marti sharaf gaareysa ilaa 50 qof oo ka kala socdey Puntland iyo wefdigii Madaxweynaha.

Qorshaha safarka Madaxweynaha ayaa markii hore lagu sheegay in uu qaadan doono laba maalmood, laakiin saddexdii maalmood ee la soo dhaafey waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay Madaxeynaha Puntland Siciid Deni oo ay u dhexeysey mad-madow ka dhashey doorashadii Xasan Sheekh ku guuleystey, magacaabidii raysalwasaaraha, iyo dhismihii xukuumadda.

Horseed ma xaqiijin in wefdiga Madaxweynuhu maanta oo Axad ah dib ugu noqonayaan Muqdisho iyo in kale, waxaase loo caddeeyey in ay jirto kormeer.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan sheekh la kulmi doono qaybha bulshada ee Puntland taas oo aan weli dhicin.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *