Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergeyga Midowga Yurub ee Geeska Afrika

Published: May 25, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Annette Weber ayaa ka wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Annette Weber ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *