Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay waqtiga dalka dib loogu soo celinayo ciidamadii ku maqnaa Eritrea

Published: December 20, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dhammaan ciidamada haatan ku sugan dalka Eritrea ee tababarka loogu soo xiray halkaas ay dalka dib ugu soo laaban doonaan dhammaadka Bisha January ee sanadka 2023-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidanka ugu horreeyay ee hordhaca ah ay dalka ku soo laabanayaan dhammaadka Bishaan December ee Sanadkaan, balse bisha koowaad ee sanadka soo socda ay dhammaantood Dalka lagu wada soo celin doona.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laba mar booqasho ugu tagay dhalinyaradaan, isaga oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Dalkaas Isaias Afwerki oo ay ka wada hadleen sidii dalka dib loogu celin lahaa dhalinyaradaan.

Dhalinyaradaan oo gaareysa tiradooda 5000 (Shanka kun) ayaa Dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dalka Eritrea ugu dirtay tababar Ciidanka, iyada oo dhalinyaradaan hadal heyn badan ka dhalatay maqnaashahooda walow Farmaajo uu sheegay in dalka dib loogu soo celinayo doorashada marka ay dhammaato.

Horseed Media