Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in sanadka cusub ee 2023ka uu noqonayo mid adeeg & waxqabad

Published: January 1, 2023
Shares2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay shacabka Soomaaliyeed, ayaa warbixiyey guulaha 7dii bilood ee lasoo dhaafay laga xaqiijiyay halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxeynaha ayaa ugu horeyn khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda amniga ee dalka iyo hawlgalladii bilahan socday ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

“Dadka Soomaaliyeed waxay maanta u istaageen inay iska qabtaan Khawaarijta, dagaalkaasina meel fiican ayuu maraya oo geba-gebadiisa ayaa dhow. Sanadkaan 2023-ka waxaa rajeynayaa sanadkii Soomaaliya ay u bixi laheyd barwaaqo iyo bash-bash.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay dadaal badan ugu jirto sidii ay amniga guud ee dalka ugala wareegi laheyd howl-galka Ex-AMISOM (ATMIS), kuwaasi oo sanado badan ku sugna dalka, iyadoo bisha Decembar ee sannadka 2024-ka loo qorsheeyey inay dalka ka baxaan ciidamada Midowga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sannadka cusub ee 2023 uu noqonayo sannad adeeg iyo waxqabad ay la timaado dawladdiisa.

Isaga oo ka hadlayey arrimaha dhaqaalaha ayuu madaxwyenuhu sheegay in Soomaaliya ay dhammaystiri doono hannaanka dayn cafinta sannadkan bartamihiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay sannadkan ku biirto suuqa ganacsiga Bariga Afrika ee Eastern Africa Community, iyo in sidaasi oo kale ay Soomaaliya danaynayso inay qayb ka noqoto suuqa Maraykanka iyo Afrika ee badeeccada canshuur-dhaafka u sameeya wax soo saarka Afrika ee AGOA.

Horseed Media