Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilal cusub magacaabay

Published: May 23, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan Waxa uu horey u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda aynu ku leennahay dalka Kenya.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la-taliyihiisa Amniga Qaranka waxaa uu u Magacaabay Xuseen Macalin oo ahaa Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, kaas oo uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxaana xilkaan horay u haayay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xuseen Macalin ayaa horay u soo noqday la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii xilka ka degay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse markii dambi laga qaaday xilkaas, waxaana Madaxtooyada Soomaaliya soo martay ilaa xil Agaasime dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *