Madaxweyne Xasan Sheekh & xoghaye Blinken oo ka wada hadlay wax ka qabashada arrimaha bini’aadanimada

Published: September 17, 2022
Shares36

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken iyo ku xigeenkiisa Victoria Nuland.

xoghaye Blinken oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inay Mareykanka ka go’an tahay caawinta dadka Soomaaliyeed.

“Mareykanka waxaa ka go’an inuu dadka Soomaaliyeed ka caawiyo la dagaallanka argagixisada, ka hortagga macluusha, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo badbaadinta nolosha” ayuu Blinken ku yiri qoraalka.

Waxa uu Blinken sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay ka wadahadleen xassilloonida, maamul wanaagga iyo hiigsiga arrimaha bini’aadanimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo gooni-gooni ah la yeeshay saraakiisha sare sare ee Mareykanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin xoghayaha difaaca, la taliyaha amniga qaranka iyo madaxda waaxda maaliyadda Mareykanka.