Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Casho Sharaf u Sameeyey Madaxdii Ka Qaybgashay Shirka Wadatashiga

Published: July 14, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ee shalay ku soo gaba-gaboobay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha waxaana ay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi.

Horseed Media