Madaxweynihii hore ee Pakistan General Pervez Musharaf, oo ku geeriyooday Dubai

Published: February 5, 2023

Madaxweynihii hore ee Pakistan General Pervez Musharaf, ayaa ku geeriyooday Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka isagoo 79 jir ah.

General Pervez ayaa xukunka ku qabsaday afgambi 1999-kii.

Hogaamiyihan oo ahaa madaxweyne intii u dhaxeysay 2001 iyo 2008 ayaa u dhintay xanuun muddo dheer hayay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada qaranka.

Intii uu xukunka hayay waxa uu ka badbaaday isku day dil oo badan, waxa uuna ka qeyb ahaa halganka u dhaxeeya Islaamiyiinta mayalka adag iyo reer galbeedka.

Horseed Media