Madoobe: Puntland iyo Jubbaland diyaar Bay u yihiin inay la shaqeeyaan Dowlada Federaalka

Published: January 19, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta khudbad u jeediyay Dadweyne kala duwan oo uu kula hadlay Jaamacada bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Puntland iyo Jubbaland labaduba ay diyaar u yihiin in arrimaha siyaasada kala shaqeeyaan Dowlada Federaalka ah balse taas ay ka horayso in la dhowro Dastuurka iyo sharciga dalka u yaala oo qofna aan laga ogolaan inuu siduu doono u dhigo Arimaha Siyaasada dalka ayuu Madaxweynahu sheegay inay u baahan tahay wadajir iyo aragti midaysan oo wax lagaga qabanayo baahiyaha taagan taasna lagu gaari karo wada hadal iyo isku tanaasul.

Madaxweynahu wuxuu ka hadlay Xiriirka Puntland iyo Jubbaland isagoo sheegay in uu yahay mid taariikhi ah oo labada shacab ay waxyaabo badan wadaagan loona baahan yahay in taas lasii xoojiyo iyadoo xooga la saarayo Hormarka dhaqaalaha amaanka iyo Siyaasada.

https://www.facebook.com/MadaxweynahaJubbaland/posts/1613523072121921

Shacabka Puntland ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen walaalahood Jubbaland wakhtiyadii adkaa ee ay soo mareen taas oo ah wax looga baahan yahay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed inay ku midooban sidii ay gacmaha isku qabsan lahayeen.

Amaanka ayuu Madaxweynahu Shacabka Gobolka Bari ugu baaqay inay kala shaqeeyaan Xukuumada Puntland si dhibaatada Argagixisada meesha looga saaro taas oo lagu heli karo in Hay’adaha amaanku ay tageero k helaan shacabka.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu xusay in nidaamka Federaalku uu xal u yahay dhibaatooyin badan oo maanta dalka ka jira hadii siduu yahay loo dhaqan galiyo waxaa uu intaas ku daray in hanaanka daadajinta maaamulka iyo in Adeegyada Dowlada meelaha Hoose la gaarsiiyo faa”iidadeeda ay arkeen Shacabka Puntland loogana baahan yahay inay ilaashadaan oo ay sii adkeeyaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *