Madaxweynaha Maamulka Koofur-Galbbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magaalada Baydhabo markii ugu horeysay ka dhagax-dhigay Magaalada…
Madaxweynaha Maamulka Koofur-Galbbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magaalada Baydhabo markii ugu horeysay ka dhagax-dhigay Magaalada Baydho xarun lagu dhaqan celiyo dumarka ka soo baxa Ururka Shabaab.
Dhagax-dhiga xarunta ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha ururka Haweenka gobolka, kan degmada, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya.
Xaawo Sokor Cali gudoomiyaha ururka Haweenka Degmada Baydho ayaa sheegtay in ay soo dhaweenayaan xarunta la dhagax-dhigay ee loogu tala galay Haweenka ka so oo baxa Al-Shabaab si loogu dhaqan celiyo
Madaxweynaha Maamulka koofur-Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhankiisa sheegay in dadaalo dheeraad ah ay ku bixiyeen hir gelinta xarunta isla markaana ay ku guuleysteen.
Horseed Media 2018