Magaalada Boosaaso oo laga Daahfuray Bandhigii Buuggeed Ee Ugu Horeeyey

Published: March 4, 2024
Shares50

Bandhigga Buugaagta Gobolka Bari oo markii ugu horaysay la qabanayo ayaa maanta laga daahfuray magaalada Ganacsigga Puntland ee Boosaaso, kaasi oo socon muddo labo cisho ah.

Bandhiga ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Guddoonka gobolka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Xildhibaanada golaha deegaanka iyo masuuliyiin kale, waxaana ka qaybgalaya qoraayo iyo aqoonyahano ku xeel-dheer cilmigga Afka Soomaaligga iyo dhaqanka Soomaalida.

Mudada uu socdo bandhiga 4-5/March/2024 ayaa looga hadli doonaa muhiimada akhriska iyo qoraalka, suugaanta qaybaheeda kala duwan, khayraadka dalka ee bad iyo berri leh, waxaan lasoo bandhigayaa buugaag kala duwan.

Magaalada Boosaaso oo ah hooyada Puntland ayaa waxaa wax ku bartay haldoor badan oo reer Puntland, ayaa la filayaa in barnaamijkani wax badan ka beddelo wacyiga akhris iyo qoraal bulshada ku nool.

Horseed Media