Mahdi Guuleed Oo Kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar – SAWIRO

Published: August 25, 2020

Siihayaha xilka raysal wasaaradaha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeeray xabsiga ee dhexe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay 10kii bishan Ogos uu ka dhacay weerar ay ku dhinteen ilaa dhowr iyo toban qof kadib markii koox ka tirsan maxaabista ku xiran ay hub qaateen lana dagaalgaleen illaalada xabsiga.

Mahdi Guuleed ayaa warbixin ka dhageystay taliska asluubta, isagoo kula dardaarmay dardargelinta qorshaha adkeynta amniga, xanaaneynta & horumarinta nolosha maxaabiista si loogu diyaariyo mustaqbal ifaya.

Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa waxa uu kamid yahay xabsiyada ugu waaweyn ee dalka waxaana ku xiran boqollaal qof oo isugu jira xubno ka tirsan Al-Shabaab, askarta dawladda iyo dad rayida oo loo haysto dambiyo kala duwan kuwaas oo intooda badan ay maxkamado xukuno ku rideen halka qaarkoodna ay maxkamad sugayaal yihiin.

SAWIRO

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *