Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta deegaanka Camaara

Published: February 21, 2017

Ururka Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Camaara oo ka tirsan Galmuduh oo dhawaan ay tageen ciidamo ka tirsan maamulka Galmudud, militariga Soomaaliya iyo kuwo Puntland.

Wararka ka imaanaya deegaankaasi ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaab markii ay la wareegeen Camaara ay dab qabadsiiyeen goobo ganacsiga, sidoo kale horey u ka xeysteen 20 qof oo dadka deegaanka ah .

Deegaanka Camaara waxa ay magaalada Cadaado oo xarun u ah mamaulka Galmudug ayaa waxa ay u jirtaa 100KM.

Si kastaba ha ahaatee ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan deegaanka Camaara.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *