MALI: Faransiiska oo 2 askari looga dilay hawlgal militari

Published: September 6, 2020

Xukuumada France ayaa xaqiijisay in labo askari looga dilay weerar lagu qaaday ciidamadooda ku sugan dalka Mali.

Weerarkan oo dhacay Sabtidii shalay ayaa la sheegay in loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay oo lala beegsaday ciidamada Faransiiska ee hawlgalada ka wada waqooyiga dalka Mali.

Ciidamada France ayaa sanadkii 2013 bilaabay hawlgalka ay ka wadaan wadanka Mali oo ay kula dagaalamayaan xoogaga Jihaadiga ah oo horey u qabsaday waqooyiga Mali.

Weerarada ay geysanayaan kooxaha ka dagaalama Mali ayaa sare usii kacayey bilihii lasoo dhaafay, waxaana Jimcihii lasoo dhaafay sidan oo kale weerar miino ah loola beegsaday gaadiidka militariga Mali.

Dowlada France iyo wadamada kale ee Jaarka la ah Mali ayaa cadaadis ku saaraya ciidamada Mali ee inqilaabay dowladii la soo doortay inay dib awooda ugu celiyaan xukuumad shibil ah.

Weeraradan ayaa lagu soo beegay xili ay socdaan wadahadalada u dhaxeeya Militariga iyo xisbiyada mucaaridka oo la filayo in maanta lasoo gebo-gebeeyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *