MALI: Madaxweynaha oo iscasilay kadib Inqilaabkii Militari

Published: August 19, 2020

Madaxweynaha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita  ayaa xalay ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay, wuxuuna kala diray Baarlamaanka dalkaasi.

Madaxweyne Keita ayaa iscasilaadiisa ku dhawaaqay kadib markii ay xireen militariga gadoodka waday isaga iyo Raysalwasaarihiisa Boubou Cisse  iyo xubno kale oo kamid ah xukuumada.

Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ayey militariga ku xireen Saldhiga ku yaal deegaanka Kati oo 15km u jirta caasimada Bamako.

“…Ma heysto xal kale oo aan ahayn inaan iscasilo, mana doonayo in xukunka oo aan sii joogo dhiig ku daato…” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbada laga soo duubay laga siidaayey Telefishinka dowlada.

Ciidamada gadoodka sameeyey ayaa xir xiray in badan oo kamid ah Shaqaalaha dowlada iyo mas’uuliyiin sar sare oo uu kamid yahay Wasiirka Maaliyada Abdoulaye Daffe, arrintan oo keentay in shaqaalaha dowlada in badan oo kamid ah isaga cararaan xafiisyadooda.

Madaxweyne Keita ayey tan iyo bishii June ku socdeen banaanbaxyo ay shacabka uga codsanayeen inuu iscasilo, dadka banaanbaxa waday ayaa ku eedeenayey xukuumadiisa Musuq Maasuq, sicir-bararka dalkaasi ka jira iyo inay ku fashilantay la dagaalanka kooxaha argagagxisada ee weerarada dalkaasi ka wada.

Shacabka Banaanbaxa waday oo soo dhaweeyey Inqilaabka Militariga

Dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Midowga Yurub oo uu hogaaminayo dalka France oo wadankaasi horey u gumeystay ayaa taageero weyn u hayey Madaxweynaha iyo xukuumadiisa lasoo doortay, waxayna si adag u cambaareeyeen inqilaabka Militari.

Midowga Afrika ayaa isaguna cambaareeyey inqilaabka, dalalka Galbeedka Afrika ayaa sheegay inay xireen xuduudihii ay wadankaasi la wadaageen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyey falkan ay ku kaceen militariga Mali, isagoo ku baaqay in si deg deg ah awoodooda dib loogu soo celiyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalkaasi.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Arbaca ah shir deg deg ah ka yeelan doona xaalada dalka Mali.

Wadanka Mali ayuu sidan oo kale inqilaab militari uga dhacay sanadkii 2012, waxaana xigay fowdo baahday oo keentay in xoogaga Islaamiga ah ay qabsadaan waqooyiga dalkaasi, waxayna sababtay in ciidamo caalami ah oo intooda badan ka socda Faransiiska ay wadankaasi galeen sanadkii 2013 si halkaasi looga saaro xoogaga Jihaadiga ah oo weli khal khal ku haya amniga dalkaasi.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *