Mane oo loo caleema saaray Xidigga Kubada Cagta Qaarada Afrika.

Published: January 8, 2020

Magaalo xeebeedka Hurghada ee Waddanka Masar ayaa la guddoonsiiyey xiddiga reer Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mané abaal-marinta laacibka ugu fiican Afrika 2019.

Sadio Mané ayaa wuxuu abaal-marinta laacibka ugu fiican Afrika 2019 ee uu caawa ku guuleystay waxa uu kaga adkaaday xiddigaha kala ah saaxiibkiis ay isku kooxda yihiin ee Maxamed Saalax iyo Riyad Mahrez.

Sadio Mané iyo Maxamed Saalax ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay kooxda Liverpool, waxayna ku hoggaamiyeen Reds hanashada tartanka UEFA Champions League, halka Riyad Mahrez uu la qaaday xulkiisa qaranka Algeria koobka Qaradamada Qaarada Afrika, wuxuuna sidoo kale kula guuleystay kooxdiisa Man City koobka horyaalka Premier League.

Dhinaca kale Xiddiga Morocco & Dortmund ee Achraf Hakimi ayaa ku guuleystay abaal-marinta da’yarka sanadka Afrika ee African Youth Player of the Year.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *