Maraykanka iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo milateri

Published: May 24, 2024
Shares4

Mareykanka iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad cusub oo dhanka difaaca ah si kor loogu qaado iskaashiga amniga iyo howlgallada milatari ee wadajirka ah ee u dhaxeeya labada dal, sidaas waxaa ku dhawaaqay wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale.

Heshiiska ayaa waxaa saxiixay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Fee iyo mas’uuliyiin ka tirsan Kenya, intii lagu guda jiray kulan ka dhacay magaalada Washington todobaadkan. Waxay dhabaha u xaaraysaa ballaarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dadaallada casriyeynta ee garoonka diyaaradaha ee Manda Bay ee u dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

“Heshiiskan oo ay ka mid yihiin balaadhinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha ee Manda Bay oo ku dhow xuduudka Soomaaliya, ayaa lagu taageerayaa dadaallada ka dhanka ah argagixisada, horumarinta awoodaha shaqo, iyo in la dejiyo diyaarado waaweyn, taasoo sare u qaadi doonta dhaqdhaqaaqa iyo dabacsanaanta ciidamada ammaanka.” ayuu Ducaale ku yiri bayaan kusoo baxay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaa ku daray in heshiiskani uu daba socday codsigii Kenya iyo ballanqaadkii dawladda Maraykanka ee ahaa in ay maal-geliyaan shaqada dhismaha, taas oo muujinaysa “iskaashi xooggan” ee ka dhexeeya laba dal ee la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta nabadda adduunka.

Heshiiskan cusub ee milateri ayaa imaanaya iyadoo Mareykanka uu doonayo inuu sare u qaado heerka iskaashiga uu la leeyahay Afrika gaar ahaan Kenya ee ku aaddan arrimaha gobolka iyo kan caalamiga ah. Maalintii Khamiista, Madaxweyne Joe Biden ayaa Aqalka Cad ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya William Ruto oo ay wada-hadallo laba geesood ah ku yeesheen.

Dib-u-habaynta kaabayaasha dhaqaalaha ee loo qorsheeyay garoonka diyaaradaha ee Manda Bay ayaa la filayaa inay xoojiso hawlgallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada ee gobolka. Ururka Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa weeraro badan ka geystay dalka Kenya sannadihii lasoo dhaafay.

HORSEED MEDIA