Maraykanka oo Afrika ugu yaboohaya lacag gaaraysa illaa $55 bilyan oo dollar

Published: December 13, 2022

Maraykanka ayaa sheegay inuu ugu yaboohayo Afrika lacag gaaraysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sano ee soo socota.

Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa, xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo.

Dalka Maraykanka waxaa gaaray hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka u dhexmaraya Maraykanka iyo dalalka Afrika,.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu furmo maanta oo Talaada ah, waxaana la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaaraysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midawga Afrika.

Inta uu socdo kulanka labada dhinac, ayaa la filayaa inay kaga wadahadlaan, dib u eegista xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah ee Afrika, muwaadiniintooda iyo weliba nidaamka dawliga ah.

Sidoo kale waxaa wadahadal laga yeelanayaa caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada, iyo qodobo kale oo badan.

Horseed Media