Maraykanka oo doonaya inuu deked ka dhiso xeebta Gaza si halkaa gargaarka loo geeyo?

Published: March 8, 2024

Milateriga Mareykanka ayaa deked ku meel gaar ah ka sameyn doona Gaza si gargaar badan uu u gaaro dhulka go’doonsan ee Gaza, sidaa ayuu Madaxweyne Joe Biden ku sheegay khudbadiisa sanadlaha ahayd.

Biden oo taageero weyn u haya Israel ayaa dhinaca kale markii ugu horeysay qiray tiradda badan ee shacabka reer Falastiin ee lagu xasuuqay Gaza, isagoo sheegay in loo baahan yahay in gargaar deg deg ah lala gaaro iyo dhaqan gelinta xabad joojin arrintaasi oo uu horey u diidanaa.

Waxaa xusid mudan in Mareykanka ahaa dalkii hortaagnaa in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku dhawaaqo xabad-joojin, iyagoo codkooda Veto u adeegsaday sadex jeer qaraar ku socday joojinta dagaalka Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in qorshaha lagu dhisayo Dekada kumeel gaarka ah ee Gaza ay fulin doonaan ciidamada dalkiisa, walow uu sheegay in ciidamadooda aysan joogi doonin gudaha Marinka Gaza.

Gargaarkan lagu soo qaadi doono maraakiibta ayaa la sheegay inuu ka imaan doono jasiiradda Mediterranean-ka ee Qubrus.

Joe Biden ayaa todobaadkan amray in gargaarka dhanka cirka looga daadiyo Gaza, balse waxaa cambaareeyeen hay’adaha gargaarka oo sheegay in tani aysan waxna ka bedali doonin baahida ka jirta Marinka Gaza.

Xili Mareykanka uu sheegayo inuu dekad ka dhisayo Gaza oo qaadan doonta wakhti dheer, dhanka kale waxaa la xaqiijiyey in xukuumada Biden ay hub horleh u dirtay Israel, hubkaasi oo ay ku jiraan gantaalada culus ee lagu burburiyey Gaza.

Arrintan ayaa muujineysa cadaadiska xoogan ee saaran Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo weli ku adkeysanaya taageerada uu u hayo Israel, xili ay sii kordheyso tiradda dadka lagu xasuuqay dhulka Falastiin.

Aqalka Cad ee Mareykanka laga xukumo ayaa walaac ka qaba ololaha Doorashada Mareykanka xili inta badan shacabka dalkaasi ay diidan yihiin xasuuqa ka socda Gaza, arrintaasi oo laga yaabo in ay saameyn weyn ku yeelato codbixinta dhici doonta bisha November.

Horseed Media