Maraykanka oo duqayn ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey Jubada Dhexe

Published: May 23, 2023
Shares2

Saraakiisha Afrika ee Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in 20-kii May, 2023 ay fuliyeen weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, sida lagu sheegay war ka soo baxay AFRICOM.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in uusan jirin khasaare soo gaaray dad rayid ah dhimasho ama dhaawac.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in weerarka ay ku beegsadeen bartilmaameedyo gaar ah, oo ay kadhasheen khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay.

Horseed Media