Maraykanka Oo Taageeray Xiriirka Somaliland Iyo Taiwan

Published: July 10, 2020

Dowlada Maraykanka ayaa soo dhoweysay xiriirka dhexmaray Soomaaliland iyo Taiwan.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan amniga ayaa lagu amaanay dadaalada ay Taiwan ka wado gobolka geeska Afrika.

“Waa guul laga gaaray xiriir diblumaasiyadeed ee naadirka ah ka dib markii ay Taiwan xiriir la yeelatay gobolka madaxa bannaan ee Somaliland”, ayaa lagu qoray wakaaladda wararka ee Mareykanka ee Associated Press.

Taiwan ayaa sida Soomaaliland ku dhawaaqay inay ka go’day dal-weynaha shiinaha intiisa kale, waxaana aqoonsaday ilaa 20 dal oo Maraykanku ku jiro, balse waxaa xusid mudan in dowladu shiinuhu sheegtay inay wali Taiwan ka mid tahay shiinaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *