Mareykanka oo markab u diray Gaza, si loo dhiso Dekad Kumeel Gaar ah

Published: March 10, 2024

Markab militari oo Mareykan laga leeyahay ayaa u socda dhanka Bariga Dhexe, isagoo sida qalab lagu dhisayo Dekad ku meel gaar ah xeebta Gaza, sida ay ciidamadu sheegeen.

Markabkan oo lagu magacaabo General Frank S Besson, ayaa Sabtidii kasoo shiraacday xero ciidan oo ku taal gobolka Virginia.

Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu sheegay in Maraykanku uu dhisi doono dekedd kumeel gaar ah si uu gacan uga geysto gargaarka marinka Gaza ee dhinaca badda.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Gaza ay macluul ku soo fool leedahay, caruurtuna ay gaajo u dhimanayaan.

Gargaarka dhulka ayaa waxa horjoogsaday Israel, halka gargaarkii dhanka cirka lagu geyn jiray uu noqday mid kooban oo aan baahida jirta dabooli karin oo ayna khatar badan ka dhalatay.

Horseed Media