Mareykanka iyo UK oo bilaabay mowjado cusub oo duqeymo ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Published: February 25, 2024

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Sabtidii qaaday mowjado cusub oo duqeymo ah oo lala beegsaday 18 bartilmaameed ee Xuutiyiinta Yemen, ka dib toddobaadyo weeraro aan kala joogsi lahayn oo maraakiibta Badda Cas ay ku qaadeen xoogaga Xuutiyiinta.

Duqeymaha ayaa si gaar ah loo bartilmaameedsaday 18 ka mid ah xarumaha Xuutiyiinta oo ku yaal siddeed goobood oo Yemen ka tirsan, oo ay ku jiraan xarumaha lagu keydiyo hubka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, difaaca hawada, raadaarrada iyo diyaarad helicopter ah, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xulafada Maraykanka.

Telefishinka Al-Masirah ee ay Xuuthiyiintu maamulaan ayaa soo sheegay “weeraro xiriir ah oo ay ku qaadeen caasimadda Sanca”, halka weriyeyaasha AFP ee magaalada caasimada ku sugan ay sheegeen inay maqleen jugta xooggan ee duqeymahan.

“Kama labalaban doono inaa qaadno tallaabo, si aan u difaaco nolosha iyo isu socodka ganacsiga xorta ah ee mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu muhiimsan adduunka,” ayuu yiri Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Lloyd Austin.

Afhayeenka milatariga Xuuthiyiinta Yahya Saree ayaa ku gacan sayray, isagoo wacad ku maray hadal uu soo dhigay baraha bulshada in ay: “…wajahi doonaan weerarada Mareykanka iyo Ingiriiska iyagoo fulinaya howlgallada militari oo tayo leh oo ka dhan ah dhammaan bartilmaameedyada cadawga ah ee Badda Cas.”

Horseed Media