Mareykanka oo duqeeyey 85 goobood oo ku yaal Siiriya & Ciraaq

Published: February 3, 2024

Duqeyntan ayuu Mareykanka uga jawaabayaa weerarkii lagu dilay 3 askari oo ka dhacay todobaadkii hore saldhiga ay ku leeyihiin dalka Urdun, nawaaxiga xaduuda dalka Siiriya.

Militariga Mareykanka ayaa duqeyntii xalay u adeegsaday diyaarado kala duwan oo ah nooca wax duqeeya oo ay ku jiraan diyaaradaha B1 iyo 125 gantaal oo ay ku garaaceen xarumaha maleeshiyaadka shiicada ee taageerada ka hela Iran.

Goobaha la duqeeyey ayaa waxaa kamid ah taliska maleeshiyaadka iyo goobaha u ah kaydka hubka oo ay ku jiraan xarumaha ay ku farsameeyaan diyaaradaha Drone-ka.

Dowlada Iran ayaan weli wax war ah kasoo saarin, balse duqeyntan kadib maleeshiyaadka shiicada ee Ciraaq ayaa sheegay inay dardar gelin doonaan weerarada ay la beegsanayaan ciidamada Mareykanka ee gobalka ku sugan.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa khamiistii sheegtay inay ka aargudan doontoo maleeshiyaadka shiicada ee weerarada la beegsada saldhigyadooda, macada in Mareykanka uu sii wadi doono duqeyntan Siiriya iyo Ciraaq, dowladaha wadamadaasi ayaa cambaareeyey duqeyntii xalay ee Mareykanka.

Horseed Media