Mareykanka oo duqeeyey maleeshiyaadka Ciraaq

Published: July 31, 2024

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay weerar duqeyn diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ay xalay ka geysteen gobalka Babylon ee dalka Ciraaq.

Qoraal kasoo baxay Taliska dhexe ee Militariga Mareykanka ayaa saaka oo Arbaca ah lagu sheegay in duqeyntaasi ahayd mid ay isaga difaacayeen maleeshiyaadka shiicada Ciraaq ee loo yaqaan Isbaheysiga [Hashed al-Shaabi] oo qorsheenayey inay weeraro kusoo qaadaan ciidamadooda dalka ku sugan.

Asbuucii lasoo dhaafay ayey kooxaha Ciraaq duqeyn la beegsadeen Saldhiga ciidamada Mareykanka ee Cayn al-Assad ee ku yaal gobalka galbeedka Ciraaq ee Anbar. Waxayna sheegeen inay jawaab kale ka bixin doonaan duqeyntii xalay.

Waxay sidoo kale xoogaga Hashed al-Shaabi eedeyn dusha uga tuureen dowlada Kuwait oo ay sheegeen inay hawadeeda soo mareen diyaaradaha drone-ka ee fuliyey duqeynta saldhigooda.

Maleeshiyaadka Hashed al-Shaabi ayaa kamid ah kooxaha sida tooska ah ugu xiran dowlada Iran, isla markaana ka qeyb qaadanayey duqeynta Israel ee xoogaga wax iska caabinta oo ay ku jiraan Xamaas, Xisbullah iyo Xuutiyiinta Yemen.

Duqeyntii xalay ee Mareykanka la beegsaday xoogaga Ciraaq ayaa kusoo beegmay xili ay sare usii kaceyso xiisada gobalka kadib duqeyntii xalay Israel la beegsatay caasimada Lubnaan nawaaxiga xarunta Xisbullah iyo weerarkii saaka ka dhacay caasimada Iran ee lagu dilay hogaamiyihii siyaasada Ismaaciil Haniyeh.

Horseed Media