Mareykanka oo ka hadlay gaabiska ku yimid dagaalka Ukraine

Published: December 4, 2022
Shares88

Sirdoonka Maraykanka ayaa shaaciyey in gaabiska ku yimid dagaalka Ukraine lagu wado inuu sii socdo dhawrka bilood ee soo socda.

Maraykanka ayaa sheegay inuusan arkin wax caddaynaya in doonista Ukraine ee iska caabinta Ruushka ay hoos u dhacday.

Dhankeeda, Moscow ayaa curyaamisay weerarrada ka dhanka ah korantada Ukraine, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka.

Avril Haines, oo ah agaasimaha sirdoonka qaranka ee maamulka Biden, ayaa sheegtay Sabtidii inay aaminsan tahay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu la yaabay in ciidankiisu aanay wax badan ka qaban dagaalka uu kula jiro Ukraine.

Horseed Media