Mareykanka oo qirtay in askar looga dilay Kenya

Published: January 6, 2020

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa shaaca ka qaaday in Saddex qof oo u dhashay dalka Mareykanka lagu dilay weerarka Axadii ka dhacay xerada Camp Simba ee dalka Kenya.

Dagaal-yahanada Al Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ku bilowday ku ekeeyay xerada Camp Simba oo ku taala deegaanka Mandy Bay ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.

War qoraal oo uu soo saaray Taliska AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay Hal askari oo Mareykanka u dhashay iyo Laba qandaraasle oo ka tirsanaa Waaxda Difaaca Mareykanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu weerarkan ahaa mid argagixiso, isla-markaana uu lamid yahay weerarkii 87-ka qof ku dhinteen ee toddobaadkii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa waxay sheegtay inay ku dishay 17 askari oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka iyo sagaal kale oo kuwa Kenya ah.

Xeradan ayaa waxaa ka hawlgala boqol ka mid ah Ciidamada Mareykanka, sida ay ku warameyso Wakaaladda Wararka ee AP.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *