Mareykanka oo u diyaar garoobaya xaalladi ugu xumeyd ee cudurka Covid 19.

Published: April 7, 2020

Maraykanka ayaa sheegay in ay u diyaar-garoobayaan xaaladihii ugu xumayd ee Cudurka Carona-Virus, Dawladu waxay Sheegtay in heerkii ugu xumaa u marayo dad badan uu soo ritay cudurka Safmarka ah.

Madaxa Caafimaadka ee Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in todobaadkan uu noqonayo mid ku biira taariikhda masiibooyinka qaranka Maraykanka, uuna ka dhib badnaan doono weeraradii Dekada Pearl Harper iyo Sept 11.

Guuud ahaan Dalka Maraykanka waxaa cudurka uu asiibay in ku dhaw 338,112. Dadka u dhintey waxa ay maray.aan 9,654 qof. Halka ay ka buskoodeen 18000 sida ay baahisay xarunta xakameynta iyo ka hortaga cudurada faafo ee mareykanka CDC.

sadexda gobol ee Soomaalida ugu badani ay ku noolyihiin ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay Cuduradda, Minnesota waxaa uu cudurku ku dhacay 936 qof, waxaana udhintey 29 qof. Ohio tirada guud ee cudurkaan uu aasiibay auaa lagu sheegay 4,043. Waxaana udhintey 119.

Sidoo kale Washington 7,984 qof ayuu ku dhacay, 338 ruuxna waa ay u dhinteen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *