Markab kaluumaysi oo lagu af-duubtay xeebaha Puntland 27-kii November 2024 ayaa la sii daayay, kaddib markii lacag madaxfurasho ah laga qaatay kooxihii haystay.
Markabkan oo ay leedahay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Liaoning Daping Fishery Group ayaa waxaa la socday 18-shaqaale ah, waxaana u kireysay shirkad kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Taiwan. Shirkaddu waxay kaluunka siisaa Spain iyo Talyaaniga, iyadoo ganacsato reer Puntland ah ay wakiil ka yihiin.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in kooxaha hubeysan ay markii hore dalbadeen lacag dhan 10-milyan oo doollarka Mareykanka ah si loo sii daayo markabka. Si kastaba ha ahaatee, lacagtaas ayaa markii dambe laga dhigay 2-milyan oo doollar, taasoo la siiyay kooxihii afduubka geystay, taasoo keentay in la sii daayo.
Afduubka markabkan ayaa dhacay 27-kii November, 2024, wuxuuna ka dhacay xeebta degmada Xaafuun ee gobolka Bari, kaddib markii shaqaalihii iyo ilaaladii la qafaashay. Kooxo hubaysan oo ka soo jeeda deegaanka Eyl ee gobolka Nugaal ayaa afduubka ka qayb qaatay.
Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay in shaqaalaha la soo badbaadiyay Isniinta maanta ah ka dib “dadaallo aan kala go’ lahayn oo ay samaysay dowladda Shiinaha.”
“Dowladda Shiinaha waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun oo khatar galiyay bad-qabka shaqaalaha iyo amniga maraakiibta caalamiga ah, waxayna sii wadi doontaa inay si adag u difaacdo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta Shiinaha iyo shirkadahooda ku sugan dibadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sii deynta markabka ayaa imaanaysa maalin kadib markii Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Amb. Wang Yu uu booqdey magaalada Boosaaso halkaas oo uu kula kulmey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Dhacdadan ayaa muujineysa walaaca amni ee ka jira gobolka, gaar ahaan kororka burcad-badeednimada iyo falalka dambiyada ee lagu bartilmaameedsanayo maraakiibta badda.