Marwada Madaxweyne hore AUN Cali Mahdi oo geeriyootay

Published: March 26, 2021

Allaha u naxariistee Raxma Maxamuud Gacal oo ahayd Marwada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyootay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sida ay xaqiijiyeen Ehelada Marxuumada ayaa u geeriyootay xanuun mudooyinkii ugu dambeeyay ay u jiiftay cisbitaal ku yaala magaalada Nairobi oo lagula tacaalayay xaaaldeeda caafimaad.

Labo todobaad ka hor ayay aheyd markii uu isna xanuun u geeriyooday seygeeda madaxweynihii afaraad ee Soomaaliya Eebe ha u raxmadee Cali Mahdi Maxamed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *