Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo lagu aasay Muqdisho

Published: May 29, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mas’uuliyiin iyo dadweyne kala duwan ayaa ka qayb galay tukashada salaadda janaasada meydka Ilaahay ha u naxariistee Prof Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xaley ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa Halyeey wakhti badan soo galiyay samafalka, isku xidhka, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa nabadaynta caasimadda Muqdisho.

Marxuumka ayaa muddo ka badan 30 sano kasoo shaqeeyey horumarinta xuquuqul inksaanka iyo hawlaha nabadaynta ee Soomaaliya.

Prof Shirwac, Waxuu ka mid ahaa hoggaamiyaashii ururadda bulshada rayidka ee Muqdisho, waxuuna marar badan hoggaamiyey shirar Nabadeed oo qaarkood ay ka dhaceen gobolada kala duwan ee Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *