Masuuliyiinta Puntland Ugu Jira Labada Golle ee DFS oo Garoowe Soo Gaaray

Published: March 13, 2020

Wefti ka kooban Wasiiro, xildhibaanada labada aqal ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo gaaray magaaladda Garoowe, halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay.

Weftiga waxa garoonka kusoo dhoweeyey xubno golaha wasiirarada Puntland ka tirsan , xildhibaano iyo gudiga qaban qaabada shirweynaha wada tashiga Puntland .

Weftigan ayaa soo ajiibey casumaad ay ka heleen Dawlada Puntland oo ku casuuntey shirka wada tashiga ee 15 Maarso 2020 ka furmaya magaalada Garoowe.

Xubnaha weftigan hoggaaminay waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibada dowladda Federaalka Axmed Cawad Ciise, Wasiirka beeraha Siciid xuseen Ciid, Wasiirka kalluumasyiga Bidhaan iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Saadiq

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *