Maxaa dib u dhaca ku keenay shirkii uu ku baaqay MD Farmaajo

Published: September 24, 2018

Sida qorshaha uu ahaa maanta ayaa la filayay in uu furmo shirkii uu ku baaqay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee la doonayay in lagu heshiisiiyo madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug.

24-bisha oo maanta ku beegan ayaa la qorsheynayay in shirku uu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya laguna dhexdhexaadiyo madaxda Galmudug oo sida la ogyahay haatan uu khilaaf ba’ani ka dhexeeyo.

Dib u dhaca shirkan ayaa sida wararku sheegayaanwaxa ay ka dambeeysay kadib markii madaxweynaha maamulkaGalmudug Axmed Ducaalle Geelle uu ku gacan seyray ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo.

War xafiiskiisa uu shalay kasoo saaray madaxweyne Xaaf ayuu shirka Muqdisho ku tilmaamay mid aanay dan ugu jirin madaxda Galmudug maadama uu sheegay in dhibaatada iyo khilaafka siyaasadeed ee xiligan Galmudug ka taagan laga soo abaabulay marki hore madaxtooyada Soomaaliya,sida warka qoraalka lagu sheegay.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaaashi Cabdi carabey oo isna shalay war qoraal ah soo saaray waxa uu ku ajiibay shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya kuna tilmaamay mid horseedaya soo afjarida khilaafka daba dheeraaday ee u dhexeeya madaxda Galmudug.

Si kastaba baaqashada shirkan ayaa sii cakiraysa khilaafka xiligan ka dhex aloosan madaxda Galmudug ee horey siyaabo kala duwan xilalkii iskaga kala qaaday kadib xildhibaano ay ku kala shirsadeen magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Cadaado oo xarumo u ah garabyada isku haya siyaasada iyo hogaaminta maamulka Galmudug.

Khilaafaadka ka jira Galmudug ayaa wuxuu soo maray marxalado kala duwan, marar badanna dowladda federaalka waxa ay sheegtay in ay u taagan tahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *