Maxaa lagu xaliyey murankii ka taagnaa garoonka Muqdisho?

Published: September 29, 2020

Guddiga Diyaaradaha Soomaaliyeed ayaa maanta shaqo joojin sameeyey, waxaana ay hakiyeen dhamaan duulimaadyadii oo dhan, taas oo garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ka dhigtey mid la ciirciiraya dadkii duulimaadyada gudaha.

Buuqan iyo joojinta duulimaadyada ayaa ka dhashey kadib markii Guddiga Diyaaraduhu ay sheegeen in hal shirkad ama diyaarad loo xirey in keligeed ay tegi karto magaalada Doollow ee gobolka Gedo. Wararku waxay sheegayaan in arrimo amni darteed, hay’adda NISA sheegtey in loo xirey diyaaraddaas keligeed duulimaadyada Doollow.

Dad aad u faro badan ayaa maanta dhibaato ka soo gaartey joojinta duulimaadka iyo mudaaharaadka ay sameeyeen shirkadaha kale ee sheegaya in kuwo si gaar ah loo naasnuunijaayo.

Muranka ayaa lagu xaliyey in shirkadaha kale ee hela rakaabku ay tegi karaan Doollo si lamid ah kuwa kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *