Published: June 11, 2022
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad.
Golaha ayaa meel mariyay hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.
Fadhigii Guud Golaha ee maanta oo ay soo xaadireen 39 Senator ayay xubnaha Goluhu xilka hab-dhowrka u ansaxiyeen:
1- Senator Samsam Ibraahim Cali Hab-dhowraha Aqalka Sare.
2- Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama) Hab-dhowre ku xigeen.