Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Golaha shacabka?

Published: June 13, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe iyo ku-xigeennadiisa ayaa ka qeyb galay  Kalfadhiga 1-aad kulankiisa10-aad, oo  maanta Ajandihiisu ahaa aqrinta 1aad xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, waxaana Golaha ka hor aqriyay  qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha BJFS ayaa Golaha u soo jeediyey Ansixinta iyo dhaarinta laba xubnood ee  Guddiga madax-banaan ee dib-u-eegista iyo hir-gelinta  Dastuurka, kuwaas oo ka kooban labo xubnood waxayna kala yihiin.

1-Marwo Xaliimo Jaamac Afrax

2-Qareen Daahir Xasan Cabdi, 

Xubnahaas oo uu soo magacabay Ra’iisul wasaaraha JFS Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii ay soo jeedin sameeyeen 11 Xildhibaan sida uu qabo qodobka 25aad ee xeer-hoosaadka ayuu Guddoomiyahu  dib u dhigay maadaama Xildhibaano qaar ay mooshin ka keenen ansixintooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *