Maxaa sababay Dabkii markale qabsaday Dekada Beyruut?

Published: September 11, 2020

Dab xoogleh oo shalay markale qabsaday Dekada magaalada Beyruut ee caasimada Lubnaan ayaa baaritaan lagu wadaa.

Dabkan ayaa ka qarxay markale goobta lagu kaydiyo saliida cuntada iyo Taayarada, dabkan xoogaleh ayaa laga arkayey magaalada oo dhan.

Qaraxii horaantii bishii Agoosto ka dhacay dekada magaalada Beyruut ayey ku burbureen inta badan bakhaarada ku dhexyaalay dekada iyo guud ahaan xaafadihii ku dhawaa, mana cada illaa iyo hada waxa sababay dabkan cusub ee ka kacay qeybta kaydka.

Shacabka dalka Lubnaan ayaa horey ugu eedeenayey dowlada Lubnaan mid fadhiid noqotay oo musuq maasuq hareeyey, waxayna dhacdadan markale sii xoojineysaa dhaliisha shacabka u jeedinayeen dowladooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *