Maxay ka cabanayaan Shaqaalaha Cisbitaalka Qardho?

Published: September 4, 2022

Shaqaalaha cisbitaalka guud ee Qardho ayaa maanta sameeyey banaanbax ay kaga soo horjeedaan maamulkooda.

Shaqaalaha oo saacado kooban hakiyey guud ahaanba shaqada ayaa ku banaanbaxay afaafka hore ee cisbitaalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayey codsi u direen, waxayna wateen boorar ay ku qoran yihiin “Madaxweyne Cadaalad ayaan rabnaa”.

Shaqaalaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka cabanayaan Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka, Dr. Jaamac ildab oo ay ku eedeeyeen in xuquuqdoodii ka waayeen iyo xatooyo dadweyne.

Ugu dambayn Maamulka gobolka karkaar iyo kan degmada Qardho oo tagey cisbitaalka ayaa la hadlay shaqaalaha banaanbaxa sameeyey iyo maamulka kumeelgaarka ah ee cisbitaalka waxaana dib u bilowday shaqadii caadiga ahayd ee cisbitaalka.

Dhowr asbuuc kahor ayey ahayd markii shaqo joojin lagu sameeyey si baaritaan loogu sameeyo Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee magaalada Qardho, Dr. Jaamac Ildab.

https://fb.watch/fkoen7eva3/

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *