Maxay Ka Wada Hadleen Deni, Shariif Iyo Axmed Madoobe

Published: March 16, 2021

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed.

Madaxweynayaasha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, wuxuuna kulankani kamid yahay kulamo ay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe la qaadanayeen midowga musharaxiinta.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ee Muqdisho u tagey shirkii ay iyagu ku baaqeen ee madada dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhici lahaa xerada Xalane ayaan wali qabsoomin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *