Maxay ka wada hadleen Gudoomiye Cabdi Xaashi & Safiirka Qadar ee Soomaaliya?

Published: June 5, 2022

Guddoomiyaha Aqalka SareA ee BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xasan bin Xamze Haashim.

Danjiruhu wuxuu Guddomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxaa kale ooy ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, in Dowladda Qadar kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha ba’an ee haatan ka jira dalka iyo sidoo kale in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo ay wada yeeshaan Golayaasha Sharci dejinta ee labada Dal.

Kulanka waxaa kale oo goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *