Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle & Danjiraha UK ee Soomaaliya?

Published: May 25, 2022

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa la kulmay Danjiraha UK ee arrimaha Soomaaliya & Ergayga Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika & Badda Cas.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kawada hadlay horumarinta Maaliyadda iyo dib u habaynta hannaanka Dhaqaalaha Soomaaliya

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Danjire Kate Foster ay ballanqaaday in ay taageerto hannaanka dib u hagaajinta maaliyadda Soomaaliya si dhaqaalaha Dalka uu is baddel u sameeyo maadaama uu socdo qorshaha deyn Cafinta.

Halka Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas, Philip Parham uu bogaadiyay taageerada Soomaaliya ay u baahan tahay in ay uga gudubto duruufaha kala duwan ee horyaalla oo ay kamid tahay horumarinta maaliyadda iyo in dib u habayn lagu sameeyo Dhaqaalaha.

Soomaaliya ayaa ku howlan buuxinta shuruudaha la hordhigay oo haddii ay kasoo gudubto diilintaas laga cafinayo deynta isla markaana ay fursad u heleyso in mashaariic kala duwan lagu gacansiiyo sida ay sheegeen Hay’adda Lacagta Adduunka IMF & Bangiga Adduunka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *