Maxay tahay sababta ciidamada dowladda federaalku uga soo baxeen magaalooyinkii ay qabsadeen?

Published: August 31, 2023

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Ibraahin Sheekh Muxyadiin ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ciidanka dowladda uga soo baxeen magaalooyinkii ay dhawaan ka xoreeyeen al-Shabaab.

Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxyadiin oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa khudbad ka hor jeediyay ciidanka xoogga dalka iyo masuuliyiin sare oo uu ka mid ahaa Raysal wasaare Xamse oo halkaasi booqasho ku tagay.

“Sidaa ogtihiin ciidamadu waxay ka soo baxeen aagaggii ay qabsadeen, farsamo jirto ayey uga soo baxeen, marka dadka reer Aadan yabaal waxaa laga rabaa inay is abaabulaan oo Macawiisley ay banaanka ka difaacdo magaalada Aadan yabaal, dadka ha difaacdaan Magaaladaan indhaha ayey isku sii qabsan doontaa hadii maanta lasoo galo oo al-Shabaab dib ugu soo laabdaan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga Jen. Ibraahin Sheekh Muxudiin.

Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxyadiin ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga dalbaday raysal wasaaraha Xamse Cabdi Barre in Xukuumaddiisa ay degmada Aadan Yabaal siiso mudnaan gaar ah oo lagu hormarinaayo.

“Degmada Aadan Yabaal ragga ka dagaalamay waa ragga ugu waxtarka badan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah Raysal Wasaare, marka waxaan kaa codsaneynaa inaad gadaal u soo fiiriso reer Aadan yabaal” ayuu yiri Taliye Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin.

Ciidamada Dowaldda ayaa isaga baxay ilaa 6 magaalo oo ay ka saareen al-Shabaab, kadib dagaalkii Cawsweyn oo ciidanka waxyeelo ka soo gaartey.

Horseed media