Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Galmudug oo labo askari ku fulisay xukun dil ah

Published: April 26, 2024

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo horay u geystay falal dil ah oo ka dhacay Galmnudug.

Dilkaan oo ahaa mid qisaas ah waxaa fuliyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida gaar ahaan qeybta Dowlad Goboleedka ee Galmudug .

Dilkaan qisaasta ah ayaa lagu fuliyay dable xoogga dalka Cabdikaafi Cali Cabdulle iyo Iidle Cumar Idiris oo ka tirsanaa Guutada 18-aad ee Gorgor,kuwaas oo dilal u geystay Allaha u naxariistee Cadnaan Cali Salaad iyo Bilan Xaashi Salaad.

Horseed Media