Maxkamada Gobolka Banaadir oo Mar Kale Dhagaysanaysa Kiiska Ninka Ku Eedaysan Inuu Gubay Xaaskiisa

Published: February 26, 2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisaneysa dhageysiga dacwad ciqaabeed uu eedeysane ka yahay Sayid Cali Macallim Daa’uud oo horay u gubay Xaaskiisa oo uur lahayd.

Sayid Cali Macallim Daa’uud ayaa 26 kii January, 2024,degmada Dharkenley nolosha ku gubay marxuumad Luul Cabdicasiis oo ahayd xaaskiisa oo uur lahayd,ugu dambeyna u geeriyootay iyada iyo ilmihii yara ee caloosha ay ku sidday.

Ciidanka ammaanka ayaa Eedeysanaha gacanta kusoo dhigay 05-02-2024 xilli uu ku dhuumaalaysanayay meel u dhow degmadda Wisil ee gobolka Mudug.

Maxakamadda Gobolka Banaadira ayaana saakay lagu wadaa in xeer ilaalinta iyo qareennada difaacayo dhibanaha iyo eedeysanaha in hormkenaan maxkamadda caddeymo iyo marqaatiyo dhameystiran.

Horseed Media